7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Diyaarad rakaab ah oo ka ambo baxday Garowe oo ku burburtay garoonka Aadan Cadde
 

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Diyaarad rakaab ahayd oo ay lahayd shirkadda Hala Airline oo magaalada Garowe ka duushay ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ay 11 qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen diyaaradda shilka ku gashay garoonkan Aadan Cadde.

Gabadh suxufiyad ah oo lagu magacaabo Nadar Garaase oo kamid ahayd rakaabka diyaaradda ayaa wararku sheegayaan inay ku dhaawacantay shilkan. Lama oga dhaawaceeda inta uu le'eg yahay.

Warar lagu qoray baraha bulshada oo ku saabsan in diyaaradda shilka gashay ay la socdeen Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, ayaan waxba ka jirin.

Xildhibaan katirsan barlamaanka oo kamid ahaa wafdi raysal wasaarayaashii hore ayaa sheegay in aanay la socon diyaaradda shilka gashay.