9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si adag uga hadlay xiisada ka taagan gobolka Hiiraan

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabad loogu mahadcelinaayay guddigii ka shaqeeyay dabaal degyadii maalmaha xuriyada dalka ayaa si adag uga hadlay arrimaha amaanka, musuqa iyo khilaafaadka ka taagan qaar ka mid ah gobolada dalka.

Raysal wasaaraha ayaa ka hadlay khilaafka iyo xiisada adag ee ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyahii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xisaada colaad beeleedyada kasoo cusboonaatay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in khilaafka dadka Soomaaliyeed u dhaxeeya uu yahay mid dan weyn ay ugu jirto cadawga Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in la ilaaliyo ehelnimada iyo walaalnimo dadka Soomaaliyeed, isagoona ku baaqay in deg deg  loo xaliyo khilaafka ka taagan Hiiraan.

“Hiiraan iyadana waxaan rabnaa oo sidoo kale ugu yeereynaa ehelnimo, walaalnimo deganaasho, isfaham iyo wax alla wixii siyaasad ah in miiska dushiisa lagu dhammeeyo, Hiiraan waa horseedkii xurninada iyo dib u xureynta gobolada dalka, waa gobol ku tilmaamanaa astaan geesinimo iyo sharaf waligiisba” ayuu yiri Raysal wasaae Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale sheegay in gobolka Hiiraan uu hormuud u yahay howlgalka kooxda Shabaab looga xureeyay inta badan gobolada dalka, islamarkaana loo baahan yahay in madaxda iyo shacabka gobolkaas iney ilaalsadaan sharafka iyo geesinimada ay kaga tilmaaman yihiin gobolada kale ee dalka.

Ugu dambeyntii Raysal Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad iyo qori caaradiisa wax lagu raadiyo, wuxuuna ku baaqay in la iska kaashado sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka ka taagan haatan gobolada Gedo, Puntland, Hiiraan, Laasacaanood iyo Koonfur-Galbeed.