7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Raysal Wasaare Xamse oo ka hadlay khilaafka Puntland iyo colaadda Laascaanood

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in si nabad ah lagusoo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay inuu la xiriiray qaar kamid ah isimada Puntland, isagoo sheegay inuu ku booriyay in nabada la xoojiyo, islamarkaana wax kastoo khilaaf ah lagu xalliyo wada hadal.

Dhinaca kale, raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Somaliland inay joojiso madaafiicda ay ku garaacayso magaalada Laascaanood. Raysal wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay arrin nasiib darro ah in shacabka si joogto ah loogu garaaco hoobiyayaal.

Raysal wasaare Xamse wuxuu ugu baaqay Somaliland inay ciidamadooda ka saaraan goobaha ay ku sugan yihiin , ayna aqbalaan baaqyada kasoo yeeraya bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Wuxuu sheegay in wax kaste lagu dhameeyo wada hadal, si loosoo afjaro colaadda oo uu ku tilmaamay inay tahay nasiib darro inay sii socoto.