7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Odayaasha Gaarisa: Waa in la joojiyo shirarka siyaasiyiinta Jubbooyinka uga socda hotelada Kenya

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Guddiga Nabadda iyo Odoyaasha ka soo jeeda Magaalada Gaarisa, ayaa uga digay Siyaasiyiinta ka soo jeeda  Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland inay ka waantoobaan shirarka iyo ololaha ay ka wadaan Hoteelada ku yaala dalka Kenya.

Guddigan ayaa waxay walaac ka muujiyeen shirarka is daba jooga ah ee ay wadaan siyaasiyiinta oo ay ku sifeeyeen in ay khatar ku yihiin amniga deegaankooda.

Odoyaasha uu horkacayo guddoomiyaha nabada ee ismaamulka Garissa, Cismaan Ibraahim Cabdi oo saxaafadda kula hadlay hotel ku yaalla magaalada Gaarisa, ayaa waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta looga baahan yahay inay ku ekaadaan dalkooda iyo deegaanadooda oo ay ololahooda ka sameeyaan.

“Fariintayadu aad bay u caddahay, qof kasta oo kursi doonaya ha ahaado Soomaaliya, Itoobiya iyo Jubbooyinka inuu tago oo uu ka ololeeyo. Ma rabno inaan aragno iyaga oo colaad ka dhex abuuraya beelahayaga oo kicinaya xiisad aan loo baahnayn shirarkooda ay ku hayaan hoteeladaas waaweyn. Taasi ma ogolaanayno,” ayuu yidhi.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii magaalada Nayroobi looga dhawaaqay dallada Midowga Musharraxiinta Jubbaland, kuwaas oo doonaya inay talada kala wareegaan Axmed Madoobe, oo in ku dhow 15 sano xukumaya Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay inuu cuuryaamiyay horumarka Jubbaland iyo xoraynta dhulkaas.

Hadalkooda ayaa ku soo aadaya xilli labo todobaad ka hor ay ciidamada Booliska Gaarisa joojiyeen shir uu isugu yeeray Cabdi Cali Raage oo ahaa lataliyihii hore ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo doonaya in doorashada soo socota uu xilka kala wareego Axmed Madoobe.