7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2023
Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo Maanta weerar qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab
 

Isniin, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab maanta ka sameeyay deegaanka Baraag Ciise ee gobolka Mudug.

Ciidamada iskaashanaya ayaa weerarka ku dilay laba ka mid ah dagaalayahanada Ururka Al-shabaab oo la sheegay iney isku aruursanayeen deegaankaas, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay iney gacanta ku dhigeen mid ka mid horjoogayaasha Al-shabaab ee sida weyn looga yaqaano deegaanka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Xaashi Garaad Cali.

"Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Xaashi Garaad Cali oo ahaa Horjeege si wayn looga yaqaanay deegaanka, kuna caanbaxay baada iyo dhaca xoolaha dadka reer miyiga ah" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay Warbaahinta dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa wali ku sugan deegaano badan oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug, waxaana halkaasi inta badan ka dhaca howlgalo qorsheysan oo noocaan oo kale ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku beegsadaan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.