7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2023
Maxkamadda gobolka Banaadir oo u yeertay 9 kamid ah masuuliyiintii lagusoo eedeeyay musuq maasuqa
 

Isniin, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u yeertay 9 qof oo ah masuuliyiin hore, kuwaas oo lagusoo eedeeyay musuq iyo xatooyo, si loo dhegaysto dambiyada loo haysto.

Amar kasoo baxay maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa lagu wargaliyay xubnahan oo maqanayaal ah, inay maxkamadda ku hor yimaadaan muddo ku siman 30 cishe.

Maxkamaddu waxay sheegtay haddii ay ku imaan waayaan waqtigaas loo qabatay, in iyagoo maqan la xukumidoono.

Haddaba Sagaalka qof waxay kala yihiin:-

1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.

2- Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde.

3- Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim Shaqaale ka tirsan Waaxda Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.

4- Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey) Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Barigga.

5- Maxamed Idiris Axmed Madaxa Canshuuraha Dadban ee Wasaarada Maaliyadda.

6- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimihii hore ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

7- Cabdiqaadir Cilmi Cali Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee xilka iska casilay.

8- C/raxmaan Maxamed Cali Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaaniibta.

9- Abubakar Xasan Aadan Madaxii hore ee xaqiijinta Documents-ka Codsiga Visa kordhinta Waaxda Ajaanibta.

Dhawaan ayay ahayd markii xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu dacwad kusoo oogay 18 qof oo ay ku jireen agaasimayaal guud, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen musuq maasuq iyo xatooyo hanti dadweyne.