7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2023
Maxkamada Sare ee Somaliland oo diiday codsigii tafsiirka sharci ee guddida doorashooyinku u gudbiyeen

Isniin, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Maxkamada Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa gabi ahaanba diiday codsigii tafsiirka sharci ee ay guddida doorashooyinku u gudbiyeen.

Qoraal kasoo baxay maxkamada ayaa lagu sheegay in maxkamadu ay diiday codsiga guddida oo siyaasada Somaliland buuq ka dhex abuuray tan iyo intii ay guddidu u gudbisay maxkamada.

"Maxkamada dastuuriga ahi waxay diiday arjiga ku taariikhaysan 4,7,2023 ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranku usoo gudbiyeen Maxkamada Sare ee JSL ahna maxkamada dastuuriga ah, u jeedadiisuna ahayd fasiraad sharci" ayaa lagu yidhi qoraalka maxkamada.

Maxkamada ayaa sheegay in awooda ku dhawaaqista jadwalka doorashooyinku anay ahayn awoodeeda, lakiin ay tahay awooda guddida doorashooyinka, sidaana ay ku diiday in ay dhex gasho.

"Waxa la faraya Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka in ay cayimaan wakhtiga doorashooyinka madaama oo ay tahay awoodooda, sida uu dhigayo qodobka 16aad ee xeerka doorashooyinka guud" ayaa lagu yidhi markale qoraalka maxkamada.

Guddida doorashooyinka oo u muuqday in ay iska leexinayaan go'aan ka gaadhista khilaafka ka taagan sida ay usoo kala horaynayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada, ayaa maxkamada u gudbiyay codsi ay ku doonayeen in ay fasiraad ka bixiso, taasi oo ka cadhaysiisay axsaabta mucaaradka.

Hoos ka akhriso qoraalka maxkamada oo faah faahsan:-