7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2023
Maxkamadda ciidamada qalabka sidda oo 15 sano oo xabsi ah ku ridday nin Shabaab katirsanaa
 

Isniin, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta oo isniin ah 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay, Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo katirsanaa kooxda Alshabaab.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay, in Yuusuf Duqow uu Alshabaab kaga biiray degaanka Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta. Isagoo mushaar ahaan u qaadan jiray Bishii Lacag $70 ah.

Falalka uu Alshabaab u qaabilsanaa waxaa kamid ahaa, sida ay maxkamaddu sheegtay inuu Muqdisho ka geysto dilalka iyo qaraxyada.

14 kii bishii May ee sanadkaan, ayaa ninkaan lasoo qabtay isaga oo bom gacmeed ku tuurayay xarunta waaxda Labaad ee degmada Hodan.

Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan  garsoorayaasha maxkamadda Ciidamada, ayaa ku dhawaaqay xukunka ninkan, wuxuuna xukumanaha siiyay 30 cishe oo racfaan ah.