7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2023
Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay howlgal ka bilaabanaya Bariga iyo Galbeedka Hiiraan
 

Isniin, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baledweyne ayaa ka hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ay wali wadaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab, islamarkaana hada wixii ka dambeeya ciidamada ay ku dhaqaaqi doonaan hal mar Bariga iyo Galbeedka gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Sufuroow ayaa ku amaanay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda la dagaalanka kooxda, isagoona sheegay in kaalinta maamulka gobolka ay diyaar tahay.

“Waajib muqadas ah oo idin saarnaa ayaad u istaagteen haddii aad tihiin ciidamada dowlada Fedaraalka, kuwa dadka deegaanka, ragga dagaalka ku dhintay sharaf iyo cisi ayay ku dhinteen waana shahiideen, waxaan kalo ku dardargelinayaa ciidamada in ay kordhiyaan howlgalada si looga hortago nimanka khawaariijta ah ee dadka shacabka ah baabi’inaya" ayuu yiri guddoomiyaha magacaaba ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sufuroow.

Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda Al-shabaab aysan u kala soocneen dhibaateynta dadka Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay 7 ruux oo ka koobna laba qoys oo Shalay galinkii dambe miino kula qaraxday nawaaxiga deegaanka jiciboow ee gobolka Hiiraan.

"Al-shabaab waad aragtaan dhibaatadeeda oo waxaa dhacday Shalay qoys hooyo saddex iyo carruur ay dhashay iyo aabe saddex carruur uu dhalay oo miino loo dhigay, iyagoo ka yimid beerahooda oo usii hoyanaayay guryahooda” ayuu yiri Guddoomiye Sufuroow.

Guddoomiyaha magacaaba ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in mar dambe aysan dhici doonin in Al-shabaab wrerar lagu qaado ay ka gudbaan wabiga Shabeelle oo ay hadana markale wabiga kasoo gudbaan.

“Waxaan rabaa inaan si cad u dul istaago gaab yar oo ka jira inta u dhaxeysa Buuloburte iyo Baledweyne, Nimankaas marka loo soo xog dhammeysto ee Miyi iyo Magaalo laga diyaar garoobo wabiga ayay ka gudbayaan, marka dadku waa danley marka beeraha iyo xoolihii la aadana way soo gudbayaan, in aanay markale dhici doonin arintaas ayaan balanqaadaya" Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Hadalka guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali uusan la wareegin xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo loo magacaabay bishii lasoo dhaafay markii xilkaasi laga qaaday Cali Jeyte Cismaan oo diiday xilka qaadistaas, maalmo kooban kadibna loo doortay madaxweynaha kumeel gaarka ee Hiiraan State.