7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2023
Dhacdo aragagax leh oo ka dhacday deegaan hoostaga degmada Baledxaawo
 

Isniin, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Oodan oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in haweeney ay Tooreey ku dishay haweeney kale oo ay diris ahayeen.

Haweeneyda Tooreeyda ama Mindida lagu dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Nasro Cabdiqaadir Maxamed, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaankaas.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labada Haween uu dilka ka hor uu dhexmaray murun xoogan oo aana la ogeyn waxa uu salka ku haayo, waxaana sidoo kale la sheegay in haweeneyda dilka geysatay oo magaceeda lagu sheegay Calaso Muxumed iney dilka kadib goobta ka baxsatay.

Xubno ka tirsan ehelada haweeneyda la dilay ayaa laamaha amaanka degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo ka dalbaday iney si deg deg ah Cadaalad ugu heleen dilka loo geystay marxuumada Tooreeyda lagu dilay.

Dilkaan ka dhacay deegaanka Oodan oo ay si weyn uga aragagaxeen dadka ku nool deegaankaas ayaa maanta ah mid si wey ay u hadal haayaan dadka dhacdadaan haweeneyda ay ku dishay haweeneyda kale ee dariskeeda aheyd.