7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2023
Badhasaabkii hore ee gobolada Gabiley iyo Sool ee Somaliland oo sheegay in uu ku biiray SSC
 

Isniin, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo hore usoo qabtay xilka badhasaabka gobolada Sool iyo Gabiley ee Somaliland, ayaa sheegay in uu ku biiray SSC.

Jiidhe oo dhawaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Gabiley oo uu hayay tan iyo sannadkii 2021, ayaa muuqaal uu soo duubay isaga oo jooga deegaanka Kalabaydh ee gobolka Sool ku sheegay in uu ka baxay siyaasadii Somaliland.

"Safarkan waa mid aan idinku caddeynayo inaan ka baxay maamulkii Somaliland ee aan ka tirsanaa ee aan la shaqeynayay. Waan ogaadadkeygu weligood ma taageersaneyn Somaliland," ayuu yidhi Jiidhe.

Jiidhe waxa uu Somaliland ku eedeeyay in ay dadkiisa dhibaato u gaysatay, sidaas darteeda uu uga soo horjeestay, isaga oo bogaadiyay halganka ay kaga soo horjeedaan Somaliland.

Jiidhe 2019 ayuu markii ugu horaysay noqday guddoomiyaha gobolka Sool, isaga oo markale sannadkii 2021 loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Gabilay, xilkaasi oo dhawaan laga qaaday.

Intii uu dagaalka Laascaanood socday waxa siyaasada Somaliland ka baxay masuuliyiin kasoo jeeda gobolka Sool, oo uu ugu mudanyahay guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaaliif Axmed.