Arbaco, January, 4, 2023 (HOL) - Labo Qarax bumbo-gacmeed ayaa caawa ka dhacay afafka hore ee hotel Ku yaalla magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Jaabir.
newsinsideFalkaan ayaa dhacay xilli uu hotelka ka socday kulan maamulku soo qaban qaabiyay oo lagu taageerayay doorashada golayaasha deegaanka Puntland.
Illaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay bombo gacmeedyadan, sida booliiska gobolka Bari ku sheegay war kooban uu soo saaray.
Falkaan ayaa imaanaya xilli magaalada Bosaso lagu wado in maalin berri ah ay ka bilowdaan diiwaan galinta codbixiyaasha doorashada dowladaha hoose.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka oo diidan diiwaan galinta ayaa abaabulaya mudaharaad loogasoo horjeedo dhibaatadda Laascaanood ka jirta. Waxaana laga cabsi qabaa in xiisado ka dhashaan.