4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2023
Golaha wasiiradda Soomaaliya oo caawa meel mariyay xeerka la dagaalanka argigixisada
 

Talaado, January, 31, 2023 (HOL) - Golaha wasiiradda ee Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan aan caadi ahayn, raysal wasaaruhuna uu shir guddoominayay, ayaa meel mariyay xeerka la dagaalanka argigixisada.

Xeerka la dagaalanka ayay xukuumaddu sheegtay inuu door weyn ka cayaarayo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab iyo caribtirkooda.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in xeerkaan uu ahmiyad gooniya u leeyahay waqti xaadirkaan oo ay dowladdu ku jirto dagaalka Alshabaab.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horey uga hadlay xeerkaan, ayaa sheegay inuu muhiim yahay ansixinta xeerka la dagaalanka argagixisada.

Xeerkan oo dhowr sano ka hor la diyaariyay weli laguma guulaysan inuu meel maro.

Xukuumaddii raysal wasaare Kheyre ayaa sannadkii 2017 horgeysay barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka ahaa 17 hindise sharciyeed oo barlamaanka la horgeeyay.

Barlamaanku ma meel marin xilligaas.

Dhinaca kale, golaha wasiiradda ayaa isla caawa meel mariyay heshiis dhinaca socdaalka ah oo ay wasaaardda amnigu soo diyaarisay iyo heshiis kale oo ay Soomaaliya la saxiixatay Uganda.