4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2023
Dowladda Soomaaliya oo soo saartay amar ku socda hakinta doorashooyinka is barbar socda ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Talaado, January, 31, 2023 (HOL) - Wasaaaradda amniga gudaha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda hakinta doorasho lagu wado in beroto ay Muqdisho ku qabtaan Guddiga dooraashooyinka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, taasoo Wasaaraddu ku sheegtay iney tahay mid si bar bar socota.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu faray Taliyeyaasha ciidamada Nabadsugida iyo Booliiska Soomaaliya iney hakiyaan doorashadaan ay Guddiga doorashooyinka Xiriirka Kubadda Soomaaliyeed u qorsheyeen in berito ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Talaabadaan ay qaaday Wasaaradda amniga gudaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ay Shalay galinkii dambe soo saartay amaro ka dhan ah isbar baryaac ka dhex jira Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, islamarkaana wasaaraddu ay sheegtay ineysan aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashooyinka is barbar socda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedyada kasoo baxay Wasaaradaha Amniga iyo Dhalinyarada:-