4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2023
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay shirweyne Maanta ka furmaya magaalada Muqdisho
 

Talaado, January, 31, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay shirweyne Ka dhacayo gudaha magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgalayaan madaxda dalalka ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, waxaana shirkaan oo ay martigalineyso dowladda Soomaaliya ayaa lagu casuumay Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha ciidamada dalalka dariska ah ee loo yaqaano dalalka safka hore.

Ujeedada shirkaan ayaa la sheegay inuu yahay mid looga tashanaayo xoojinya iskaashiga amniga, dardar helinta howlgalada ka dhanka ah Shabaab iyo in la jiheeyo ciidamada ku howlgala magaca ATMIS oo tirada ugu badan dalalkaan ay ka joogaan Soomaaliya.

Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa ka qeybgalaya shirkaan oo Maanta si hordhac ah u furmay, kuwaas oo ah dhamaantood afar dal oo xad wadaag ah.

Kulankaan Wasiiradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa sidoo kale hordhac u ah shirweynaha  berito oo ay kasoo qeybgalayaan Madaxda dalalkaan, waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaan kusoo bandhigi doonta xaaladda guud ee dalka gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab guulaha laga gaaray iyo qaabka ay uga qaybgeli karaan ciidamada waddamadaan deriska la ah ee jooga gudaha Soomaaliya.

Hoos ka akhrsio Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-