4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2023
Odayaal Al-shabaab heshiis lasoo galay oo lagu xiray magaalada Baledweyne
 
Ciidanka deeganka ee Macawisleey oo haw-gal ka wada deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan

Talaado, January, 31, 2023 (HOL) - Ciidanka deegaanka ee Macawisley oo kaashanayo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Shalay galinkii dambe ku xiray odayaal la sheegay in dhawaan heshiis lasoo galeen kooxda Al-shabaab.

Odoyaashaan la xiray ayaa tiradooda lagu sheegay lix qofood, kuwaas la tilmaamay iney jabiyeen amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa inaan lala macaamili karin kooxda Al-shabaab oo ay dowladda Fedaraalka kula jirto dagaal ka dhan ah.

Odayaashaan heshiiska la soo galay ururka Al-shabaab ayaa dhawaan tagay deegaano ku yaala Galbeedka magaalada Baledweyne oo ay Shabaab ka taliyaan, kuwaas oo Shabaab lasoo galay heshiisyo ku aadan in ciidamada beeshooda ay ka saarayan dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Ciidanka deegaanka ee Macawisleeyda oo ay wehliyaan ciidanka xooga dalka ayaa odayaashan ku soo qabtay howlgal qorsheeysan oo ay ka sameyeen tuulooyin hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, lamana oga in Odayaashaani lagu Maxkamadeyn doono magaalada Baledweyne iyo in loo gudbindoono magaalada Muqdisho.

Guure Cuumiye oo codkiisa lagu baahiyey baraha bulshada isaga oo sheegaya in uu heshiis la soo galay ururka Alshabaab ayaa ku dhuumaaleysanyo deegaano ku dhaw degmada Halgan.

Dhawaan ayeey aheyd markii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xukun Xabsi oo 5 sano ah ay ku riday Odayaal Al-shabaab heshiis horay kula galay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.