4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2023
Wajiga koowaad Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo Maanta Baydhabo lagu soo gabagabeey
 

Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay lagu soo gabagabeeyay wajiga koowaad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay ka qeyb galeen xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka, maamulka Koonfur Galbeed, golaha Odoyaasha dhaqanka iyo Guddiga Farsamada shirka dib u heshiiniinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkaan dib u heshiisiinta ayaa wajigiisa koowaad qaatay waqti ka dheer mudadii loogu talogalay, waxaana mudadaas xal looga gaaray qaar ka mid ah tabashooyinkii ka dhashay shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee Decembar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ahaa masuulka iclaamiyay shirkaan ayaa gunaanadka wajigiisa koowaad Guddiga Farsamada shirka iyo guddiga ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka waxay kula wadaageen warbxin ku aaddan qiimeyn ay ka sameeyeen shaqaaqooyinkii soo dhacay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa guddiga odayaasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala galay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku waxyeeloobay iyo mid lagu dayactirayo guryihii ku burburay dagaalkii Baydhabo ka dhacay 23-kii December 2022, isagoona xusay wixii culeys ah ee ka yimaada in la xalin doono, ismarkaana guddiga wixii warbxin ah dib ay ugu soo celiyaan guddoomiyaha.

Gabagabadii shirka ayuu guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madaoobe waxuu ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, islamarkaana diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu wado in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ay ka bilaawdaan wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Shabaab sida uu shirkaan bilaawgiisi uu shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.