4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2023
Maxkamadda ciidamada oo 8 sano oo xabsi ah ku xukuntay xaaska horjoogaha Daacish ee Soomaaliya
 

Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa 8 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo la sheegay inay tahay xaaska horjoogaha ugu sareeya kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin.

Fartuun oo isticmaalaysay magacyada kala ah, Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha kooxda Daacish iyo u qaabilsanaanta arrimaha lacagta bishii march 2022.

Ciidamada amniga ayaa kasoo qabtay degmada Hilwaa gaar ahaan xaafadda suuqa xoolaha. waxay hay’adda nabad sugiddu ogaatay inuu xiriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale Bilal-Alsudani.

Bilaal ayaa dhawaan lagu dilay duqayn ka dhacday buuralayda gobolka Bari ee Puntland, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Haweeneydan ayaa la sheegay inay Daacish u qaabilsanayd marti gelin jirta xubnaha Daacish ee Muqdisho ku dhuumaalaysto iyo kuwa ku cusub.

Waxaa lagu eedeeyay inay lacaga u dhexeeyo 100 illaa 200 teleefoonkeeda si joogta ah uga diri jirtay xubnaha Daacish ee howlgallada fuliya.