4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2023
Dowladda Soomaaliya oo waxbarasho siinaysa carruurta ku nool degaanada laga xoreeyay Alshabaab
 

Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo ah xasilinta waxbarashada kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo celiyo xaqa ay u leeyihiin waxbarashada carruurta ku nool degaanada laga xoreeyay Shabaab.

Barnaamijkan ayaa la sheegay inuu bixindoono jawi ammaan ah oo waxbarasho oo loogu talagalay carruurta ay saameeyeen afkaartii diimeed ee kooxda Alshabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku yiri: “Waxbarashadu waa xuquuq asaasi ah oo ay leeyihiin dhammaan carruurta, iyadoo aan loo eegin meel ay ku nool yihiin.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay in dhammaan carruurta Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh.

Wuxuu sheegay barnaamijkan xasilinta ah inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo yoolkaas.

Barnaamijka xasilinta waxbarashada ayaa lagu sheegay inuu yahay hindisihii ugu dambeeyay ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta, kaasoo wax looga qabanayo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo sidii loo dhisi lahaa mustaqbal ifaya oo uu dalku yeesho.

Barnaamijkan oo ay Wasaaraddu ugu magacdartay “Barnaamijka bisha” ayaa la filayaa in uu wax weyn ka tari doono nolosha carruurta Soomaaliyeed.