4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2023
Maraykanka oo ku dhawaaqay 41 Milyan oo wax looga qabanayo xaaladaha bini’aadinimo ee Soomaaliya
 

Axad, January, 29, 2023 (HOL) - Danjire Linda Thomas-Greenfield, Wakiilka dowladda Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqday inuu Mareykanka bixin doono in ka badan 41 milyan oo doollar oo dhaqaale ah si loo badbaadiyo nolosha, laguna daboolo baahiyaha bini’aadinimo ee Soomaaliya.

"Xaaladda bini'aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun," ayay tiri Thomas-Greenfield oo Muqdisho kulan kula qaadatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Maraykanka ayaa sheegtay, Maraykanku inuu sii wadayo inuu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya si loo kordhiyo ammaanka, iyo in la hubiyo in taageerada bani'aadamnimada iyo horumarinta ay gaaraan degaanada dhawaan laga saaray al-Shabaab.

Gargaarkan cusub ee dowladda Maraykanka ayaa imaanaya iyadoo abaartu ay sii xoogeysatay kadib xilli roobaadkii shanaad oo baaqday, taasoo keentay in dadka ay halis ugu jireen macluul.

Maalgelinta cusub ee Maraykanka ayaa la sheegay inay xoojinayso dadaallada ka hortagga macluusha iyadoo diiradda la saarayo wax ka qabashada nusqaanta cuntada, daweynta nafaqo-xumada ba'an ee haweenka iyo carruurta, iyo la dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee hadda dillaacay sida jadeecada iyo Shuban biyoodka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa Dowladda Maraykanka ku bogaadiyay gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la dagaalanka Alshabaab, waxa uuna sheegay inay Alshabaaab khatarka weyn ku yihiin amniga Gobolka.