4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2023
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ka warbixiyay xaalada Laascaanood
 

Axad, January, 29, 2023 (HOL) -  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo safar ku tagay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in uu Hargaysa ugu soo noqday si uu madaxweynaha xog uga siiyo xaalada gobolka Sool.

"Markii aanu kulanahay madaxweynaha iyo madaxdii kale ee dalka, waxan u tagay bal in aan xogogaal u noqdo xaalada ka jirta Laascaanood iyo in aan xog dhaba la wadaago madaxweynaha, taas ayanan hada la imid" ayuu yidhi Khaliif.

Waxa uu madaxweynaha ku amaanay talaabada uu ciidamada kaga saaray magaalada Laascaanood si dhibaatada loo yareeyo, waxaanu sheegay in talaabadaasi ay keentay guul wayn, waxa uu sheegay in xukuumadu sida u samaysay si shacabka taladooda loogu madaxbaneeyo.

Waxa uu sheegay in shirka Laascaanood uga socda madaxda dhaqanka SSC uu ka rajaynayo in wax dhibaato u keena Somaliland anay kasoo bixi doonin, "Talada aan madaxweynaha kula soo noqday waxa weeyi in dadkii ay taladoodi u fadhiyeen, iyagana anaan ka filayn wax dalka iyo dadka dhib ku ah".

Waxa uu sheegay in xukuumadu markasta diyaar u tahay wadahadal bilaa shuruuda, iyo in arrimaha laga eego dhinaca wanaagsan, waxa uu sheegay in diyaar looyahay in madaxda dhaqanka lagala hadlo tabashooyinka ay qabaan, amaba arrimo ka waa wayn oo masiiri ah.

Madaxda dhaqanka SSC ayaa shir ay kaga tashanayaan ayahooda siyaasadeed uga socdaa magaalada Laascaanood, waxana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobo siyaasadeed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]