4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2023
Maxkamadda ciidamada oo 5 sano oo xabsi ah ku xukuntay odayaal heshiis lasoo galay Alshabaab

Axad, January, 29, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maantay 5 sano oo xabsi ciidan ah ku ridday odayaal dhaqameed Alshabaab heshiis kula soo galay degmada Xarardheere ee g0bolka Mudug.

Odayaashaan ayay ciidamada amniga Cadaado kasoo xireen December 27-keedii ee Sanadkii tagay, kaddib markii ay jebiyeen amar dowladda kasoo baxay oo ahaa in aan lala macaamili karin Shabaab.

Odayaasha xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa, Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Waa xukunkii  ugu horeeyay ee lagu riday dad la macaamilay Alshabaab, waxayna kusoo beegmaysaa xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in cid kaste oo Shabaab la macaamisha lala xisaabtamayo.

Waxay sidoo kale maxkamaddu ku xukuntay in ilgaar ah lagu hayo odayaashaan, sida uu sheegay Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada.

Odayaashan oo dhawaan maxkamadda lasoo taagay ayaa ku doodayay in heshiiska ay lasoo galeen Alshabaab uu ahaa heshiis been abuur ah oo ujeedadiisu ay ahayd inay Shabaab kagasoo daayaan dad u xirnaa.