4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2023
Galmudug oo sheegtay in Saldhigyo Booliis ka hirgalineyso magaalooyinka laga qabsaday Al-shabaab

Axad, January, 29, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga maamul goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in magaalooyinka laga saaray kooxda Al-shabaab iney hirgelinayaan Saldhigyo ciidamada Booliiska ay ku howlgalaan si wax looga qabto falalka lidiga ku ah amaanka.

Wasiir Gaboobe ayaa hadalkaan ka sheegay isagoo Shalay dhagax dhigay Saldhiga ciidanka Booliiska degmada Xarardheere ee dhawaan laga saaray kooxda Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in Saldhigyadaan ay muhiim u yihiin in lala socdo fal dambiyeedyada ka dhaca Magaalooyinka cusub ee soo galay gacanta maamulka Galmudug.

“Saraakiisha iyo ciidamada ku howlan sugidda amniga waxan uga mahadcelinaya shaqada is xilqaanka ah ay qabteen, waxaa lasoo magacaabayaa Taliyaha iyo ku xigeenkiisa Saldhiga Booliiska Xarardheere oo ah qadiimi ah waxaana ku howlanahay sidii dhawaan dib loogu dhisi lahaa loona casriyeyn lahaa si ay Magaalada uga mid noqoto magaalooyinka leh Saldhigyada saldhigyada" ayuu yiri Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe.

Hadalka Wasiirka Amniga Galmudug ayaa kusoo beegmaya, iyadoo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu horay u shaaciyay in maamulo ku meel gaar ah loo sameyn doono magaalooyinka laga qabsaday Ururka Al-shabaab ee ku yaala gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug.