4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2023
Warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgali jirtay dowlad degaanka Soomaalida oo shaqo joojin lagu sameeyay
 

Axad, January, 29, 2023 (HOL) - War goor dhaweyd kasoo baxay dowladda Itoobiya gaar ahaan Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority) ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay dhammaan Warbaahinta laga leeyahay dalka dibaddiisa ee aan wax fasax ah ka haysan Wakaaladdan, isla markaana ka howlgala gudaha degaanka Soomaalida.

Warqadda kasoo baxday Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority) ayaa lagu yiri " Dhammaan Warbaahinta kala duwan ee laga leeyahay dalka dibaddiisa ee raba inay ka dhaqdhaqaaqaan gudaha dalka Itooboya, waa inay fasax ka haystaan Wakaaladdan, Dabagal badan oo aan samaynay waxaan soo ogaanay inay degaanka Soomaalida ka shaqeeyaan Warbaahino laga leeyahay dalka dibaddiisa, kuwaas oo wax fasax ah aan ka haysan Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority)" ayaa lagu yiri Warqad maalinimadii shalay ahayd kasoo baxday Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya.

Haddaba Xafiiska Warfaafinta ee dowalad degaanka Soomaalida oo ka duulaya Warqaddaas heer federal kasoo baxday ayaa gabi ahaanba ku wargaliyay Warbaahinta gaarka loo leeyahay, lagana leeyahay dalka dibaddiisa in laga joojiyay shaqadii ay ka hayeen degaanka Soomaalida, iyagoo u sababeeyay inaysan wax fasax ah haysan.

Sida ku cad Warqadda kasoo baxday Xafiiska Warfaafinta degaanka Soomaalida Warbaahinta laga joojiyay shaqada waxaa kamid ah, MMTV, Universal Tv, Kalsan Tv, Goobjoog Tv, CBA TV, Horncable tv, Star tv, Rtn tv, STN TV, Sahan tv,  Five tv, BBC SOMALI, Saab tv, Eriyaal tv iyo Horyaal tv.

Warbaahintan shaqada laga joojiyay ayaa wixii isbaddelka ka dambeeyay ka howlgali jirtay gudaha dowlad degaanka Soomaalida, iyagoo fasax kumeel gaar ah ka haystay Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida.

Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa marar kala duwan sheegay in Warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha dowlad degaanka Soomaalida aysan ka diiwaan gashanayn federalka, balse Xafiisku uu si ku meelgaar ah ugu oggolaaday Warbaahintaa inay degaanka Soomaalida ka howlgalaan.

Dhinaca kale Wariyayaasha madaxa banaan ee Wakiillada u ahaa Warbaahintan shaqada laga joojiyay ayaa maalmihii u dambeeyay waxay sheegayeen inuusan fiicnayn xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo Xukuumadda degaanka Soomaalida.

Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority) oo fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa, ayaa ah Wakaaladda kaliya ee bixisa oggolaanshaha ay Warbaahin dibadda laga leeyahay ay kaga howlgali karto dalka Itoobiya, iyadoo Warbaahinta aan Wakaaladdan fasax iyo oggolaansho ka haysan aysan ka howlgali karin guud ahaan dalka Itoobiya sida ku cad Warqadda kasoo baxday Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority).