4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2023
Guddoomiye Saleebaan: Laascaanood aniga maxa dusha iga saaray, hayla soo qaadin
 

Sabti, January, 28, 2023 (HOL) -  Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in ka gole ahaan ay ka howlgalayaan xalinta khilaafka Laascaanood, isaga oo dhanka kale sheegay in anay ahayn arrin isaga dusha ka saaran.

Guddoomiyaha ayaa xili maanta warbaahintu su'aalo ka waydiisay xaalada gobolka Sool, ku jawaabay hadalo iska hor imanaya, isaga oo mar sheegay in uu ka shaqayn doono xal u helista khilaafka, marna sheegay in anay isaga dusha ka saarnayn.

"Hadii goluhu soo jeediyo maaxa loo gali waayay, waanu galaynaa, guddoomiyaha oo markale la waydiiyay shirka beelaha SSC uga socda Laascaanood, ayaa ku jawaabay "Waar aniga maxa Lascaanood dusha iga saaray, sawnigii ku idhi hayla soo qaadin".

Guddoomiyaha oo mar kale la waydiiyay shirka siyaasadeed ee madaxda dhaqanka SSC, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo, hadii madaxdaasi ay ka shaqaynayaan wanaaga gobolka Sool.

"Dee dalku waa dalkoodiye, hadii ay u arraminayaan wanaaga gobolka dee ahla wa sahlan, lakiin anagu manaan dirin, mar la waydiiyay waxa uu yeelayo hadii shirka go'aamo Somaliland ka dhan ahi, ay kasoo baxaan, ayuu sheegay in anay ahayn arrin isaga u taala.

Guddoomiye Saleebaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay xalka khilaaafka Laascaanood kala shaqaynayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo markale kalfadhi golihiisu lahaa ka sheegay in isaga iyo xubnaha goluhuba Laascaanood arrinteeda galayaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]