4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2023
Jadwalka qabashada doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo la shaaciyay
 

Sabti, January, 28, 2023 (HOL) - Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta shaaciyay Jadwalka qashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ka mid ah kuraasta ka banaaneyd Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa shaaciyay in Maalinta berito ay bilaabaneyso diiwaan gelinta, tababarka iyo shaacinta Guddiga Xulista Ergada, iyadoo 31-ka bishaana ay qanabayaan araajida iyo diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan kursigaan sumadiisu tahay HOP #147.

Maalinta Arbacada ah oo ay Taariiqdu ku beegan tahay 01-02-2023 ayaa lagu wadaa in doorashada kursigaan ay ka qabsoonto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Kursigaan waxaa xiligii ay socdeen doorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka doorashadiisa ku guuleystay Mahad Maxamed Salaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabay Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, taasi oo keentay inuu Xildhibaan siin ahaan karin qofkii noqdo Agaasimaha NISA.

Hoos ka akhriso Jadwalka doorashada Kursigaan:-