4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2023
Jenaraal Biixi oo ka hadlay howlgalada ka socda deegaanada Galmudug
 

Sabti, January, 28, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Mudug.

Jenaraal Biixi ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay guulo muhiim ah ka soo hoyeen howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolka Mudug, islamarkaana ay sii socon doonaan howlgalada ilaa Al-shabaab laga saarayo dhamaan deegaanada gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iney kala shaqeeyaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab oo uu xusay in haatan xureynta deegaanadaasi gabagabo ku dhaw yihiin.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidamada iska iskaashanaya dagaalada lagula jiro kooxda Shabaab iney feejignaan dheeraad ah muujiyaan si ay uga hortagaan weerarada gaadmada ah ee kooxda Shabaab geysato.

Hadalka Jenaraalka ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay guulo muhiim ah ka gaareen howlgalada ay haatan ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug.