11/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2023
Beesha caalamka oo sheegtay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood
 

Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Saaxiibada Beesha caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.

Qoraal kooban oo ay Beesha caalamku kasoo saartay xaaladda Laascaanood, waxay ku sheegtay, in xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay waxay ugu muhiimsan.

Beesha caalamku waxay ku baaqeen xasillooni iyo is-xakameyn, islamarkaana xiisadaha jira lagu xalliyo isdajin iyo wadahadal.

Warkaan ayaa kusoo aaday, iyadoo magaalada Laascaanood uu muddo todobaad ah ka socdo mudaharaad loogasoo horjeedo Somaliland, kaasoo u muuqda mid sii xooggaysanaya.

Illaa iyo hadda laguma guulaysan in dadweynaha lagu qanciyo inay isdajiyaan. Dadku waxay aad uga kaceen dilalka magaalada kusoo noqnoqday oo aysan jirin cid loo qabtay.

Waxay dalbanayaan in Somaliland isaga baxdo magaalada Laascaanood. Waxaa mudaharaadka sii xoojiyay isimada dhaqanka SSC oo ku baaqay in Somaliland ka baxdo Laascaanood.

Dhimashada dadka rayidka ah ayaa kor usii kacaysa. Somaliland waxay weli iskudayaysaa in hab militari lagu xalliyo xaaladda cakiran ee laascaanood ka jirta, balse way ugasii dartaa.