1/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Xukuumada Somaliland oo go'aamo iyo baaq kasoo saartay xaalada Laascaanood
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay rabto in wadahadal lagu dhameeyo xasarada Laascaanood, sidookale waxay sheegtay in ay argagixiso Laascaanood kula dagaalamayso.

Kadib shir saacado badan qaatay oo uu guddoominayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray go'aamo ay ugu mudanyihiin in xukuumadu ay rabto in arrinta Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo, iyo in dadkii magaalada ka barakacay gargaar degdeg ah lagaadhsiiyo.

Waxa kale, oo war-murtiyeed ka shirka kasoo baxay lagu sheegay in xukuumadu ay Laascaanood kula dagaalamayso kooxo argagixiso ah, oo mudo fadqalalo ka waday Laascaanood, isla markaana gacan adag lagu qaban doono cidkasta oo hubaysan oo magaalada amni daro ka wada.

"Ugu damabayn goluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada magaalada Laascaanood" ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Dagaal galaaftay nolosha askar iyo dad shacab ah, ayaa saaka qarxay Laascaanood, dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada Somaliland ee dagan duleedka Laascaanood iyo ciidamo beeleed taabacsan garaadada uu shirku magaalada uga socday.

Garaadada ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku baaqay in Somaliland ay ka baxdo gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, si loo sameeyo maamul madaxbanaan oo hoosta dowlada Soomaaliya, waxa kale oo ay diideen in argagixiso Laascaanood joogto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]