4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2023
Qarax lagu dilay sarkaal ciidan oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sanaag
 

Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Cabdirashiid Cali Xiiray "Abeesa Dhuuni" oo ahaa sarkaal ciidan oo horjooge u ahaa ciidamo si iskood ah qoriga ugu qaatay si ay Alshabaab uga xoreeyaan gobolka Sanaag ayaa qarax miino lagu dilay.

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in sarkalkan iyo askar kale oo ka soo baxay magaalada Boosaaso qarax lagula eegtay meel u dhow tuulada deegaanka Ceelaayo 00 30km u jirta magaalada Bosaso.

Illaa iyo hadda inta la ogyahay dhimashadu waa labo qof oo uu sarkaalka ku jiro. Waxaa kaloo jira dhaawacyo la gaarsiiyay isbitaalada magaalada Boosaso.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaan sida ay ku sheegeen qoraal lagu faafiyay barahooda internetka.

Alshabaab waxay sidoo kale sheegteen inay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Durfuri oo hoostaga tuulada Ceelaayo.

Weli maamulka Puntland wax war ah kama soo saarin qaraxa dhacay iyo sheegashada Alshabaab ee ah  inay qabsadeen deegaan kuyaala Sanaag.