4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2023
Sharci-dajiyaayasha Soomaalida Maraykan oo cambaareeyay go’aanka Ilhaan Cumar looga saaray guddiga arrimaha dibaddda
 

Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Sharci-dajiyayaasha Soomaali-Mareykan ee ku sugan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa cambaareeyay tallaabada Ilhaan Cumar looga saaray xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Koongareeska.

Sharci-dajiyaashan oo soo saaray bayaan wadajir ah ayaa go’aankaan ku tilmaamay fal cunsurinimo ah iyo Islaam nacayb.

"In loo diido Ilhaan Cumar shaqada guddiga arrimaha dibadda waa fal cunsurinimo ah iyo Islaam nacayb. Waayo-aragnimadeeda Muslim, soo galooti, iyo qaxootinimo waa mid ay wadaagaan malaayiin Maraykan ah oo aan ku jirno, iyo dad badan oo ay matasho,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sharci-dajiyayaasha Soomaalida waxay sheegeen Ilhaan Cumar  inay bartilmaameed u ahayd xaalado cabsi leh iyo weerarro islaam nacayb ah illaa xitaa ka hor intaanay xafiiska ka qabanin Washington.

Waxay sheegeen in xisbiga Jamhuuriga ay kaga xun yihiin Ilhaan Cumar ku jiritaankeeda guddiga arrimaha dibadda, sababtoo ah sinjigeeda iyo haybteeda, waxayna intaas ku dareen inay la kulanto hanjabaad.

Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar ka saaray guddiga arrimaha dibadda Khamiistii, iyagoo tixraacaya hadallo hore oo ay ka sheegtay Israa'iil.

Balse xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in go'aanka GOP uu ahaa mid bareer ah oo lala beegsaday haweeney Muslimad madow ah.