4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2023
Heshiis siyaasadeed oo laga gaaray doorashada maamulka Koonfur Galbeed

Axad, February, 5, 2023 (HOL) - War murtiyeed kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa heshiis looga gaaray khikaafkii xooganaa ee ka dhashay doorashada maamulkaas.

Waxaa lagu heshiiyay in doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed la qabto bisha January ee sanadka 2024, waxaana sidaasi dhaqangal ku noqday halkii sano ee madaxweyne Lafta Gareen loogu kordhiyay.

Sida ku xusan war murtiyeedka, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa loo xilsaaray inay fuliso heshiiskan, waxaana ku xusan in bisha november ay bilaabanayso xulista xildhibaanada barlamaanka Koonfur Galbeed.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu soo afjaro is-mariwaagii u dhexeeyay madaxweyne Lafta Gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed, taasoo sidoo kale caqabad ku ahayd wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo K/Galbeed laga bilaabayo.