4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2023
Ilhaan Cumar oo laga xayuubiyay xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Koongareeska
 

Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Xisbiga Jamhuuriga ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee golaha Koongareeska Maraykanka, taasoo muujineysa xiisadda ka dhex aloosan Dimquraadiga iyo Jamhuuriga.

Xildhibaanada ayaa waxay u codeeyeen in Ilhaan Cumar laga saaro guddiga arrimaha dibadda ee aqalka hoose sababo la xiriira hadallo hore oo ay ka bixisay Israa'iil.

Jamhuuriyiintu waxay sheegeen in tallaabadani ay jawaab u tahay hadalo nacayb ah oo ka dhan ah Israaiil oo ay Ilhaan Cumar warbaahinta kasii daysay 2019.

Laakiin Dimuqraadiyiinta iyo Ilhaan Cumar ayaa sheegay inay aargoosi tahay, kadib markii labo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan laga saaray guddigan sanadkii 2020 markaas oo Dimuqraadiyiintu ay haysteen aqlabiyadda Aqalka.

"Ma jiraa qof la yaabay in la ii arko inaanan u qalmin inaan ka hadlo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka" ayay tiri Ilhaan Cumar wax yar ka hor inta aan codeynta looga saaray guddiga arrimaha dibadda Koongareeska.

Jamhuuriyiinta ayaa haysta aqlabiyadda aqalka golaha wakiillada ka dib doorashadii xilliga dhexe ee bishii Nofembar.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Jamhuuriga  oo uu ku jiro afhayeenka golaha Mr. McCarthy, ayaa ku dooday in Ilhaan Cumar  aysan kasii mid ahaan karin guddiga arrimaha dibadda ee awoodda leh, sababo la xiriira faallooyinkeedii hore ee ku saabsanaa Israa'iil.