4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2023
In ka badan 10 katirsan Alshabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal oo lagu dilay gobolka Hiiraan
 

Talaado, February, 28, 2023 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal sare ayaa lagu dilay howlgal ciidanka nabad Sugidda iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Buurweyn oo 23 KM Waqooyi Galbeed ka xigta degmada Jalalaqsi.

War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu beegsaday gaari uu leeyahay Ibnu Bashiir oo ah horjoogaha Alshabaab u qaabilsan xisbada gobalka Hiiraan.

Dowladdu waxay sheegtay in howlgalkaan lagu dilay Horjoogihii guud ee Caafimaadka Alshabaab ee gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge kale oo lagu magacaabo Anas oo Shabaab u qaabilsanaa aagga degmada Jalalaqsi.

Sidoo kale waxaa howlgalkaan lagu dilay dagaalamayaal kale oo saarnaa gaariga iyo kuwa joogay halka uu howlgalka ka dhacay.