4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2023
Dowladda Soomaaliya oo Maanta hub iyo saanad ciidan kala wareegtay dowladda Mareykanka
 

Talaado, February, 28, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehlinaayay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta dowladda Mareykanka kala wareegay hub iyo saanad ciidan.

Hubka iyo saanada ciidan oo ay dowladda Mareykanka ku wareejisay dowladda Soomaaliya ayay ugu tala gashay ciidanka Kumaandooska Danab ee Mareykanka uu sida gaarka ah u tababaro.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka mahadceliyay hubka iyo saanada ciidan oo ay Maanta dowladda Mareykanka ku wareejisay.

"Guud ahaan dowladda Mareykanka waxaan uga mahadcelnaya Hubka iyo saanad ciidan aan kala wareegnay Maanta ,kaas oo muhiim u ah dagaalka aan kula jirno Khawaariijta Al-shabaab" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf ayaa dhankiisa sheegay in hubka iyo saanada ciidan ay Maanta kala wareegeen dowladda Mareykanka inuu laf dhabar u noqon doono la dagaalanka Ururka Al-shabaab.

Odawaa Yuusuf ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka garab istaaga dhismaha ciidan iyo taageerada joogta ah ay la garab taagan yihin ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab.