4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2023
Somaliland oo lagu eedeeyay in ay beegsatay isbitaalka wayn ee Laascaanood


Talaado, February, 28, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka ayaa Ciidamada Millateriga Somaliland ku eedeeyaay in uu duqaymo la beegsaday Isbitaalka Wayn ee Laascaanood, Somaliland ayaa dhankeeda beenisay.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Fallaalug, ayaa sheegay in madaafiic meel fog laga soo riday ay ciidamada Somaliland la beegsadeen isbitaalka Laascaanood.

"Khasaaraha ay maanta gaysteen oo la yaabka lihi waxa weeyaan, maanta waxay duqeeyeen dhakhtarkii waynaa, oo ay ku dhufteen madaafiic meel fog kasoo tuurayaan, waxay dhibaato wayni ku dhacday dhaawicii yaalay" ayuu yidhi Fallaalug.

Waxa kale, oo uu ciidamada ku eedeyay in ay afduubteen shaqaalihii warshahada laydhka ee Laascaanood, isaga oo sheegay in ay taasi keeni karto in isbitaaladu waayaan koronto ay isticmaalaan, isla markaana dhibaato soo gaadho bukaanka.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu dhankeeda beenisay in ciidankeedu ay beegsadeen isbitaalo iyo goobaha adeega dadwaynaha, iyada oo ku tilmaantay been la doonayo in lagu dilo sumcada ciidamada millateriga.

Somaliland duqayamaha loo gaysanayo goobaha adeega dadwaynaha ayay ku eedeeysay in ay gaysanayaan kooxo wajiyo badan oo huwan ah, kuwaasi oo ciidankeeda dagaal  kula jira.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]