4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2023
Darwal Mooto Bajaaj oo Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Talaado, February, 28, 2023 (HOL) - Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta si bareer ah dil ugu geystay Laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeyaanayay Mooto Bajaaj.

Wiilka la dilay ee ku shaqeysanayay Mooto Bajaajta ayaa magaciisa lagu sheegay Mahdi Diiriye Aadan, kaasoo ay toogasho ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda oo marayay wadada oo ilaalo u aheyd masuul ka tirsan dowladda oo saarna gaari nooca aanan xabada karin.

Dilka marxuumka kadib waxaa goobta ka dhacay banaanbax cabasho ah oo ay sameeyeen dhalinyarada kale ee bajaajta ku shaqeysata oo xiray isku socodka wadadaasi, iyagoona ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu wax ka qabto dhibaatada ciidamada dowladda ay ku hayaan dhalinyarada Bajaajleyda.

"Aniga 10 daqiiqo ka hor ayaan soo bixiyay 15 doolar oo ah lacagta Canshurta oo aan ka imid gobolka Banaadir, hadana waxaan la kulmay dilka walaalkey, marka sidaan Cadaalad mahan in lacagta aan bixinay rasaas lagu gado maalin walba in nalagu dilo" ayuu yiri mid ka mid ah Wadayaasha Mooto Bajaajta Muqdisho.

Dilalka ay askarta dowladda u geystaan dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ayaa mudooyinkii dambe ahaa kuwa si aad ah ugu soo kordhaayay magaalada Muqdisho.