4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2023
Somaliland oo sheegtay in saraakiil ka timid Muqdisho ay ku biireen dagaalka Laascaanood
 

Talaado, February, 28, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dagaal saaka dhexmaray ciidamadeeda iyo xoogaga kula dagaalamaya gobolka Sool ay kusoo biireen saraakiil ka timid magaalada Muqdisho.

Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka saaka ay qayb ka ahaayeen taliyayayaal ka yimid Muqdisho, kadib markii taliyayaashii hore ee Ciidamada booliiska iyo badda Soomaaliya, ay dhawaan kasoo muuqdeen magaalada Laascaanood oo ay u yimaadeen in ay ku biiraan dagaalka Somaliland lagula jiro.

"Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen taliyayaal ciidan oo ka yimi magaalada Muqdisho" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxday xukuumada Somaliland.

Somaliland ayaa markale sheegtay in kooxo argagixiso ahi ay soo weerareen ciidamadeeda oo dhawaan u guuray saldhigyo ka durugsan magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in ciidanku ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen.

Xukuumadu waxay sheegtay in xoogaga ka dagaalamaya magaalada Laascaanood ay khatar ku yihiin amniga gobolka Geeska Afrika, hadii aan layska kaashan la dagaalan kooda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa isagu dhankiisa sheegay in dadka dagaalka kula jira Somaliland anay argagixiso ahayn, oo ay yihiin dadkii deegaanka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]