4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2023
Abaar daran oo ku dhufatay gobolka Daawo ee dowlad degaanka Soomaalida
 

Talaado, February, 28, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Daawo ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto abaar daran oo saamaysay dadkii iyo dunyadiiba sida ay Warbaahinta u sheegeen dadka aaggaas ku dhaqan.

Ugaas Xasan Ibraahim oo loo yaqaano Xasan shiine oo kamid ah dadka degaankaas kasoo jeeda oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Daawo ay dhammaantood abaartu si siman u gaadhay, iyadoo ay usii daran yihiin degmooyinka Hudat iyo Mooyaale.

Dadka abaartan ku barakacay ayaa lagu sheegay inay aad u badan yihiin, iyadoo dhinaca kalena lasoo sheegayo inay abaartan ay gaajo iyo haraad ugu dhinteen dad gaaraya ilaa afar qof, sida uu Warbaahinta u sheegay Ugaas Xasan Ibraahim oo kamid ah dadka kasoo jeeda gobolka Daawo ee ay abaartu ku dhufatay.

Dadka degaankaas ku dhaqan ee ay abaartu saamaysay ayaa ka cabsi qaba in haddii aan gargaar degdeg ah lala soo gaarin ay sii badan garto saamaynta ka imaan karta abaartan, oo ay u horreyso dadka oo gaajo iyo haraad u dhinta.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa wali wax jawaab ah ka bixin cabashada shacabkan abaartu saamaysay, iyadoo laga cabsi qabo in haddii aan horey looga jawaabin abaartan ay saamaynteedu gaari doonto dad badan oo hor leh.

Abaartan ayaa maalmihii u dambaysay waxay ka jirtay gobollo dhowr ah oo ku yaal beriga Itoobiya gaar ahaan degaannada Soomaalida iyo Oromada, oo laga soo sheegay inay dad badan ku dhinteen abaartaas, isla markaana ay xoolo badan ku baaba'een.