4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2023
Cabsi xoogan oo lasoo daristay kooxaha Muqdisho ku iibiya maan dooriyaha iyo Ciyaal weerada
 

Talaado, February, 28, 2023 (HOL) - Waxaa cabsi aad u xoogan ay lasoo daristay kooxaha magaalada Muqdisho ku iibiya waxyaabaha maanka dooriya iyo Ciyaal weerada, kadib marki kooxda Al-shabaab ay beegsi ku bilaawday doonaan kooxahaan oo dhibaato xoogan ku hayay shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Al-shabaab ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay duuleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho sheegtay iney ku dishay rag ay sheegeen iney ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya oo uu ku jiray mid ka mid ahaa ganacsatada ugu waa weyna ku iibiya maandooriyaha.

Kooxda Al-shabaab ayaa raga ay dileen qaarkood ku beegsatay goobaha ay ku ganacsanayeen, waxaana warar haatan soo baxaya ay sheegayaan in cabsi darteed loo xiray sandaqado ku yaala magaalada Muqdisho oo qaarkood lagu iibin jiray maan dooriyaha, halka kuwa qaarna ay sameysteen ilaalo hubeysan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Waalidiinta dhalay hoggaamiyaasha kooxaha Ciyaal weerada in haatan ay bilaabeen iney goobaha dhaqan celinta ku xirtaan caruurtooda, halka qaarna ay kala qaxeen xaafadahii lagu yaqaanay.

Mudooyinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho si aad ah looga cabanaayay kooxaha ciyaalka weerada oo dhibaato xoog leh ku hayay shacabka ku nool magaalada Muqdisho.