4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 27, 2023
Puntland oo mar kale iska fogeysay inay ku lug leedahay dagaalada Laascaanood
 

Isniin, February, 27, 2023 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa mar kale iska fogeeyay inuu qayb ka yahay dagaalka maalintii 22-aad ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Puntland ayaa hadalkan uga jawaabtay eedayn maanta kasoo baxday Somaliland, kuwaas oo sheegay inay ciidamada Puntland saakay weerareen saldhigyada ciidanka Somaliland ee Sool.

“Puntland Mowqifkeedii hore waxba iska badalin. Eedaynta Somaliland-na kama duwana kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo,” ayay tiri Puntland.

Waxay Puntland sheegtay in dagaalku uu u dhaxeeyo dadka Deegaanka oo u dagaalamaya Naftooda, Sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo ciidamada Somaliland oo ay sheegtay inay qori caaraddiis iyo Khasab ku meel marinayaan gooni-goosadkooda.

Puntland waxay markale Somaliland ugu baaqayday in ay ciidamadeeda kala baxdo  Gobolka Sool, si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka barakacay.