4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 27, 2023
Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho
 

Isniin, February, 27, 2023 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan iyo ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Xalay howlgalo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in ciidamada ay ku beegsadeen guryo gaar ah oo ay ku tuhmayeen iney ku sugan yihiin Ciyaal weerada iyo kooxaha burcada ee dhaca u geysata dadka shacabka ah ee ku nool degmada Kaaraan.

Ciidamada ayaa howlgalkooda kusoo qabqabtay dad fara badan oo lagu tuhunsan yahay iney ka mid yihiin kooxaha burcada iyo Ciyaal weerada dhibaatada ka geysta xaafadaha degmadaasi.

Howlgalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay cabasho aad xoogan ka muujinayeen dadka ku nool degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho falalka amni daro ee kusoo  kordhaayay xaafadaha degmadaasi.

Si kastaba ha ahaatee howlgalkaan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amaanka guud ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.