4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 27, 2023
Dagaal oo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC oo ka socda deegaanka Diyaaradda
 

Isniin, February, 27, 2023 (HOL) - Dagaal xoogan oo udhaxeeya ciidamada SSC iyo Somaliland ayaa ka socda Diyaarada oo Laascaanood ujirta 20 km dhanka bariga.

Ciidanka Somaliland ee shalay kasoo guuray Tukaraq ayaa halkan fadhiisin cusub ka samaystay.

Xalay ayay ciidamada Somailand waxay isku ballaariyeen saldhigyo ciidan oo dhinacyada ka xiga magaalada Laascaanood kadib markii lumiyeen gacan ku haynta Tukarraq iyo deegaano kale.

Ciidamada SSC oo shalay tagay deegaanka diyaaradda ayaa goor dambe oo fiidkii xalay ahayd isaga baxay sida aan xogta ku helnay.

Dagaalka hadda socda ayaa ah mid aad u xooggan oo Somaliland ay ka muuqato inay ku doonayso inay awood ciidan ku wajahdo dib u qabsashada deegaanada laga qabsaday.

Sarkaal lagu magacaabo Mahad Canbaashe oo doraad laga qabsaday saldhig ciidan oo kuyaala Laascaanood ayaa la sheegayaa inuu hormuud u yahay dagaalada Somaliland kusoo qaadday deegaanada lagala wareegay maalmo ka hor.