4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2023
Caaqil Falaalug: Muusow adduunka meeshii aad tagtaba waxad noqonaysa danbiile
 

Axad, February, 26, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka ee Garaadada dhaqanka ee ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in ay ciidankii Somaliland ka saareen magaalada, isla markaana uu madaxweyne Biixi yahay danbiile.

Afhayeen Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug, ayaa madaxweynaha ku tilmaamay in uu hadana danbi gaystay xukuumada uu madaxda ka yahayna uu ku helay dhiig uu galay.

"Muusow wixii aad doonaysay waad heshay, umadana wixii aad u gaysan karaysay waad u gaysatay, una malayn maayo in aad darajo ku helaysid, ta maanta aad haysato mid ka badan kuma helaysid, ta aad maanta haysatana dhiigii umada ayaad ku heshay" ayuu dhi Caaqil Falaalug.

Waxa uu sheegay in dagaalka gobolka Sool uu madaxweynaha Somaliland ka dhigayo danbiile caalami ah, isla markaana ay cadaalad la tiigsan doonaan, madaxweynaha.

"Waxay kuu kordhinaysa uun in aad noqotid tuke cambaar leh, adduunka meeshii aad ka tagtidna aad noqonayso danbiile, adiga iyo in kale oo badan oo kugula jirta maamulkaaga, umada dhiigoodu hadur noqon maayo" ayuu yidhi falaalug.

Waxa uu sheegay in deegaanka Laascaanood ay nabad tahay, isaga oo ku andacooday in ay ka guulaysteen ciidamada Somaliland ee Laascaanood ku sugan, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay nabadgalyada ilaashadaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]