4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2023
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay ka bixista ciidamadeeda ee Laascaanood iyo Tukaraq

Axad, February, 26, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ka bixista ciidamada millateriga ee Laascaanood iyo Tukaraq ku tilmaantay qorshe lagu hirgalinayo xabad joojintii ay ku dhawaaqday 10 kii bishan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Somaliland awood u leedahay in ay xal buuxa ka gaadho khilaafaad keeda guddaha, isaga oo ka hadlaya xaalada Laascaanood.

"Somaliland waligeedba waxay awood u lahayd, oo ka go'nayd in ay arrimaheeda guddaha iyadu xal ka gaadho, sida oo aanu yeelnay todobanaan sanno, anaga oo nabada iyo dimuquraadiyadayada ilaashanayna, dowladu waxay ku kalsoontahay in xaalada hada ee Laascaanood la xalin doono" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Wasiirka oo si gaara u dul istaagay ka bixitaanka Millateriga Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo Tukaraq, ayaa sheegay in ay tahay talaabo lagu dhowrayo bad qabka shacabka, kadib baaqyo uga yimid shacabka iyo beesha caalamka.

"Si loo yareeyo dhibaatada soo gaadhaysa shacabka, iyo markii aanu garwaaqsanay baaqyada nagaga imanaya shacabkayaga iyo saaxiibadayada caalamiga ah, saaka subixii hore ciidamada Somaliland waxay dib uga gurteen forimihii hore, waxayna iskugu tageen saldhigyo cayiman" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Waxa uu sheegay in xukuumada ay ka go'antahay in Laascaanood anay gabaad u noqon kooxaha argagixisada, wuxuuna sheegay in ay ugu baaqayaan ciidamo beeleedka hubaysan ee Laascaanood ku sugani in ay baneeyaan magaalada.

Waxa uu sheegay in ciidamada millaterigu ay awood buuxda u leeyihiin in ay ilaaliyaan madaxbannaanida Somaliland, lakiinse, ay sida u sameeyeen si ay u muujiyaan ka go'naanshahooda in xabad joojintu hirgasho.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]