4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2023
Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Balidoogle
 

Axad, February, 26, 2023 (HOL) - Diyaarad Helicopter ah oo lahayd ATMIS ah, taasoo ay dhoolatus ciidan ku samaynayeen saraakiil ka tirsan ciidanka militariga Soomaaliya, ayaa shalay ku burburtay degaanka Balidoogle ee gobolka Shabeelada hoose.

Saddex katirsan kow iyo tobankii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda ayaa naftooda ku waayay.

Siddeed sarkaal oo dhaawac ah ayaa loo soo daad gureeyay magaalada Muqdisho si gurmad caafimaad loogu sameeyo.

Howlgalka ATMIS oo soo saaray warsaxaafadeed kooban ayaa sheegay inuu socdo baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay shilkan.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadka dhintay.

Waa shilkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee ka dhaca Balidoogle, halkaas oo si gaar ah loogu tababaro ciidanka Danab.