4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2023
Golaha Wakiilada Somaliland oo soo saaray qodobo khuseeya xaalada Laascaanood
 

Axad, February, 26, 2023 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood ay ciidamada kala fogeeyaan, wadahadalna layskugu yimaado.

Kadib kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay saaka iskugu yimaadan xubnaha goluhu, ayuu goluhu ku baaqay in ciidamada la kala fogeeyo, in salaadiinta Somaliland iyo garaadada Sool ay kulmaan, wuxuuna magaacabay guddi ka shaqaysa arrimaha Laascaanood.

Goddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo Laascaanood ku sugan, ayaa dhankiisa xukuumada ku eedeeyay talo xumo iyo in ay gaysatay tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah, wuxuuna sheegay in la fikiryahay garaadada.

Khaliif oo markale waraysi siiyay Gaylan Media, ayaa ku baaqay in ciidamada Somaliland laga raro deeganadaas, kadibna Somaliland iyo waxgaradka gobolka Sool ay wadahadal iskugu yimaadaan.

Ciidamada Somaliland ayaa xalay xili danbe iskaga guuray fadhiisimadii ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood, kadib baaqyo isdaba joog ah oo dhinacyada lagaga codsanayay in ay ciidamada kala qaadaan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]