4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2023
Xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya oo kasoo muuqday degaanka Tukarraq
 

Axad, February, 26, 2023 (HOL) - Xildhibaano ka tirsan Dawlada Fedralka Soomaaliya ayaa tagay deegaanka Tukarraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay isaga baxeen ciidamadii Somaliland ee farriisinka ku lahaa deegaankaas.

Tukarraq waxay 70km u jirtaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana halkaasi illaa 2018 haystay ciidamada Somaliland.

Dagaal saakay halkaasi ka dhacay ayaa la sheegay inay ciidamada Somaliland ku baneeyeen saldhigyadoodii ugu weynaa ee halkaas.

Xildhibaanada booqday ee katirsan barlamaanka Soomaaliya waxaa kamid ah,  Xildhibaan Cabdi Warsame Qawdhan iyo Xildhibaan Cali Xoosh.

Waxay kasoo muuqdeen bartamaha Tukarraq, iyagoo socdaal ku tagay goobihii ay ka baxeen ciidamada Somaliland. Waxay saaxafadda ka sheegeen in Tukaraq laga saaray Somaliland.