4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2023
Iska hor imaad ciidamada Somaliland iyo ciidamo maleyshiyaad ah ku dhex maray Tukarraq

Axad, February, 26, 2023 (HOL) - Wararka aan ka helayno deegaanka Tukarraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor imaan ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo halkaas farriisin ku lahaa tododlbaadyadii ugu dambeeyay.

Iska hor imaadkan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa muddo kooban ka socda farriisimaha ciidan ee labada dhinac.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamo ka yimid magaalada Garowe oo u abaabulan hab beeleed ay weerareen saldhigga ciidanka Somaliland ee deegaanka Tukarraq.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weli. Waxaana la isku tuurtuuray madaafiic.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaysa in ciidamada Somaliland laga durkiyay fariisimaha Tukarraq balse si dhab ah warkaas looma xaqiijin.

Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa Tukarraq ayaa xalay qeyb kamid ah u guuray dhinaca saldhigga Goojacadde oo 7 km u jira Laaacaanood.