4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2023
Wararkii ugu dambeeyay Xaalada magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Somaliland oo isaga baxay difaacyadoodii
 

Axad, February, 26, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in Xalay ciidamada Somaliland ay dib uga ruqaansadeen inta badan goobahii lagu dagaalamayay ee magaalada Laascaanood.

Goobaha lasoo warinaayo iney isaga baxeen ciidamada Somaliland ayaa waxaa ka mid ah guriga gobolka Sool oo la tilmaamay in aroornimadii hore ee saakay la wareegeen ciidanka deegaanka ee dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in ciidamada deegaanka ay isku balaariyeen goobaha difaacyada ee Xalay ay baneyeen Miltariga Somaliland ee ku yaala duuleedka magaaladaasi.

Lama oga sababta rasmga ah ee ka dambeysa dib u gurashada ay sameeyeen ciidamada Somaliland oo Todabaadkii sadaxaad oo xiriir ah kula dagaalamayo magaalada Laascaanood ciidanka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee Maanta laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay kadib dagaal qaraar oo Shalay halkaasi ka dhacay oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad gaaraya 20 ruux.